Sacuudiga: Daacish ma taageerno

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalyahannada daacish

Safiirka Sacuudi Carabiya u fadhiya dalka Britian ayaa ku eedeeyay beesha caalamka kororka kooxaha jihaad doonka ah oo sida Daacish oo kale ah.

Amiir Moxamed Bini Nawaaf ayaa u sheegay BBC-da in dalkiisa uu ku gacanseeray waxa uu ku timaamay eedeymaha been-abuurka ee sumacad xumadda u keenaya dalkiisa oo la leeyahay waxay mas'uul ka yihiin kororka Ururka Islaamiga ah ee Daacish.

Taa badelkeeda, waxa uu Amiirku sheegay in beesha caalamku ay ku guuldareysatay in ay faragalin sameyso, una oglaatay Ururada xag jirka ah in ay ku sii baahaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Waxuu Amiirku intaa ku daray, in ururka Daacish uu hadafkiisa kowaadba yahay la dagaalanka dalkiisa Sacuudi Carabiga, ayna tahay wax xaqiiqada ka fog in dalkiisu uu taageero Ururkaas.

Sacuudi Carabiya ayaa laga filayaa in ay si weyn u taageerto xulufada uu Mareykanku horseedka ka yahay ee ka dhanka ah Ururka Daacish.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan