Obama "awood baan u leeyahay dagaalka IS"

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweyne Barack Obama

Madaxweyne Obama, ayaa u caddeeyay hogaamiyayaasha Kongareeska Mareykanka, in uu haysto awooda uu u baahan yahay ee uu ku qaadi lahaa ol ole milateri oo ballaaran oo ka dhan ah kooxaha jihaad doonka ah ee ka dhisan wadammada Ciraaq iyo Suuriya.

Hasayeeshee afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee waddankaasi ayaa sheegay in madaxweynaha uu sidoo kale sheegay in uu soo dhaweynayo ficil ka yimaada dhanka Kongreeska oo muujinaya isku duubnaan lagu tirtirayo dagaalyahanada Kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Madaxweynaha ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu taleefishinka kala hadli doonaa dadka Mareykanka, waxaana la filayaa inuu soo bandhigi doono istiraatiijiyadiisa ku aadan sidii lagu burburin lahaa kooxda Dowladda Islaamiga ah ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan