Carabta oo taagero u muujisay Maraykanka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wasiirada arrimaha dibadda ee carabta iyo Kerry

Xoghayaha arrimaha dibada ee maraykanka, John Kerry ayaa sheegay in 10 waddan oo carab ah oo uu Sacuudi Carabiya uu ku jiro ay aqbaleen in ay qeyb ka nqodaan isbahaysiga ka dhanka ah mintidiinta Daacish.

Waxa uu ka hadlayey magaalada Jiddah, halkaasi oo uu wadahadal kula lahaa qaar ka mid ah waddamada carabta.

Waxa uu sheegay in waddamadaasi ay sidoo kale aqableen in ay is hortgaaan qulqulka lacgata iyo dagaalyahannada u socdo dhinca Suuriya iyo Ciraaq.

Kol sii horraysay, Madaxwaynaha Maraykanka Obama ayaa ballan qaaday in waddankiisu uu qaadi doono hawlgal millitari oo xiriir ah si ay u wiiqaan una baabi'iyaan malayshiyada Khilaafada Islaamiga ah.

Isaga oo ka hadlaya khudbad uu Talafeshinka ka jeediyay Obama, waxa uu sheegay in Maraykanku uu hoggaamin doono xulafo ballaaran oo ka soo horjeeda ururkaasi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan