Hay'adda Gates ayaa malaayiin ku deeqday

Lahaanshaha sawirka EPA

Hay'adda Bill and Melinda Gates, ayaa ku deeqday konton milyan oo doolar si wax loogaga qabto cudurka Ebola ee ku dhuftay qaybo ka mid ah galbeedka Afrika.

Ninka hogaaminaya dadaalka Qaramada Midoobay ee wax looga qabanayo dilaacidda cudur kaasi ayaa BBC u sheegay in cudurku uu si isa soo taraysa uga sii darayo, isla markaasna in cudurka la xakameeyo ay dadaal dheer qaadan doonto.