Britain: Labo bangi oo baaq jeediyay

Lahaanshaha sawirka Getty

Labo ka mid ah bangiyada ugu waawayn Britain ayaa xaqiijiyay in ay hoos u dhigi doonaan calaaqaadka ay la leeyihiin Scotland, haddii ay haa ugu codeeyaan aftida madaxbanaanida ee tododobaad kadib dhacaysa.

Bangiga Royal ee Scotland oo hadda xaruntiisu tahay Edinburgh ayaa sheegay in xaruntooda u wayn ay u wareejin doonaan magaalada London. Shaqooyinka qaarna ay u wareejin doonaan Koonfurta.

Bangiga kale ee wayn Lloyds ayaa isna sheegay in xafiiskooda diiwaanka gashan ay u wareejindoonaan England.