Go'aanka maxkamadda Oscar Pistorious

Lahaanshaha sawirka AFP

Cayaaryahanka reer Koonfur Afrika ee Oscar Pistorius ayaa lagu helay dambi ah in uu geystahy dil aan ula kac lahayn kaddib markii uu dilay gabar ay saaxibo ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Reeva Steenkamp.

Garsooraha maxkamadda Thokozile Masipa ayaa sheegtay in cayaar-yahankani uu si taxaddar la'aan ah u adeegsaday qorigiisa basle wax ay ku wayday in dil ula kac leh,waxa ayna sheegtay in xafiiska dacwad oogista uu ku guul dareystay caddeynta in dilkaasi uu ahaa mid horey loo sii qorsheeyay.

Mr Pistorius waxa uu ku dooday in si khalad ah uu u tooogtay gabadhaasi, saga oo moodayay in ay tahay qof gurigiisa u soo dhacay, waxaana uu haatan dambigaasi lagu helau uu ku muteysan karaa ku dhawaad 15 sano oo xarig ah.