Miisaaniyada Somaliland oo la shaaciyay

Image caption Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ku dhawaaqay maanta in miisaaniyadda Somaliland ee sanadka 2015 ay tahay 251,300,000 dollar.

Wasiirku waxa uu sheegay in miisaaniyadaasi isla maantaba loo gudbiyay baarlamaanka kaddib markii Khamiistii ay ansixiyeen golaha wasiiradu.

Cabdicasiis Samaale, wasiirka Maaliyadu wuxuu BBCda u sheegay in miisanayadani tahay tii ugu badneyd ee dawlasda somaliland yeelato.

Wuxuu sheegay in 180 milyan oo doolar loogu talo galay dawladda dhexe, 27milyan oo doolarna dawladaha hoose, halka hay'adaha dawladda ee madaxa banaan loogu talo galay 29 milyan oo doolar.

Miisaniyadan Somaliland wuxuu sheegay wasiirku in markii ugu horreysay lagu daray lacag dhan 14,300,000 dollar oo ka imanaya sanduuqa horumarinta Somaliland SDF, kaasoo ay deeq ahaan maalgeliyaan dalalka Britain, Denmark iyo Norway.

Miisaniyadan sida wasiirku sheegayo waxay ku baxaysaa; nabadgelyada, doorashooyinka, diiwaangelinta dadka, wadooyinka, biyaha, xanaanada xoolaha, caafimaadka, beeraha, iyo xafiisyo la dhisaayo.

Kharashka miisaaniyadana waxa uu ka soo xoroonayaa canshuuraha beriga, kastamada, iyo canshuuraha kale ee adeega.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan