Australia oo ka hortagaysa Daacish

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ra'iisalwasaaraha Australia Tony Abbott ayaa sheegay in daacish ay qatar ku tahay caalamka.

Tony Abott waxaa uu sheegay in Daacish ay tahay koox diineed dad qal ah taas oo aan khatar ku ahayn dadka bariga dhexe oo keliya balse halis ku haysa caalamka oo dhan, oo ay ku jirto Australia.

Dowladda Australia, waxay direysaa 400 oo ciidanka cirka ah iyo 200 oo askarta lugta ah, kuwaas oo tababarayaal milateri u noqon doona ciidammada Ciraaq ama Kurdiyiinta Peshmerga.

Ciidanka Australia waxaa saldhig u noqonaysa xarun Maraykanku ku leeyahay dalka Isutagga Immaaraadka Carabta.

Siddeed ka mid ah dayuuradaha dagaalka ee casriga ah ee dalka Australia ayaa sidoo kale ku biiraya dagaal caalami ah oo lagaga hortegayo dagaallamayaasha islaamiga ah ee soo socda.

Ra'iisalwasaare Abott waxaa uu sheegay in dowladdiisu aanay weli go'aansan inay ciidan dagaallama u dirto inay xagga dhulka ka dagaallamaan. Toddobaadkii hore, Canberra waxay markii ugu horreysay sare u qaadday heerka feejignaanta argagixisada sababtoo ah suurta galnimada weerarro ay soo qaadaan muwaadiniin reer Australia oo ka soo noqonaya dagaalka ka socda dalalka Ciraaq iyo Suuriya.