David Hains: "Waa la qaban cidii dishay"

Image caption David Hains ayaa ahaa 44 jir shaqaale gargaar.

David Cameron ayaa sheegay in la soo qaban doono dadkii ka danbeeyay dilka ninka Briritishka ee David Haines.

Isagoo hadlaya kadib markii uu uu yeeshay shirka deg dega ee Cobra, Ra'iisalwasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay isagoo ku amaanay inuu yahay geesi British oo ay dileenkooxda Daacish.

Wuxuu sheegay in waddanka uu ka xunyahay in qof British ah uuudilka foosha xun sameeyay.

Mintidiinta Daacish muslin ma aha ee waa balaayo ayuu dhahay Mr Cameron.

Mr Haines ayaa lagu afduubay Suuriya 2013kii. Waxaa qabsaday mintidiinta Daacish oo horay u dilay laba wariye oo Maraykan ah.

Video oo laga arkayo ninka Britishka oo qoorta laga goynayo ayaa la soo saaray habeenkii Sabtida. Filinka ayaa ku bilaabanaya qudbada David Cameron iyo iyo Mr Hains oo ag taagan yahay nin midi haysta oo wajiga u xiran yahay.

Ninka la dilay ayaa dhahaya: Magacayga waa David Haines. "Waxaan rabaa inaan sheego in David Cameron uu masuul ka yahay dilkayga."

Wuxuuu sheegay David Cameron uu Maraykanka isbaysteen si loola dagaalamo Daacish "sidii uu horay u sameeyay Tony Balair."

"Nasiib daro dad britishka ayaa dhibka ay u imanaysaa go'aanka xun ee uu baarlamaankeenu sameeyo" ayuu yiri.

Mintidka oo leh lahjad british ah ayaa dhahaya "Ninkan britishka ayaa dhbka ay u imaanaysaa , Cameron, balanqaadka aad ku hubaynayso ciidamada Peshmerga ee Kurdishka ee la dagaalamaya Daacish".

Wasaarada arrimaha dibadda ayaa sheegtay in filinka uu yahay mid run ah.