Carruurta Qasa oo iskuul ku noqonaysa

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Iskuulada Qaramada Midoobay ayaa ka mid ah meelaha la weeraray.

Ilaa nus milyan arday ee magaalada Qasa ayaa ku noqonaysa iskuulada, kadib dagaalkii kontonka maalmood socday ee Israel ay ku qaaday Qasa.

Bilawga iskuulka ayaa dib loo dhigay laba toddobaad sababtoo ah burbur ku yimid laba boqol oo iskuul.

Iskuulo badan oo Qaramada Midoobay ayaa dad badan ay u qaxeen intii uu dagaalka socday. Carruurta qaar ayaa la siinayaa taakulayn dhinaca maskaxda inta aysan bilaaban.