ku dhawaad 40 dal oo diyaar u ah dagaal

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kerry waxa uu taageero u raadinayaa weerar ka dhan ah Khilaafada Islaamiga ah

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry waxa uu sheegay in ku dhawaad afartan dal ay soo bandhigeen in ay gacan ka gaystaan gaashaan buur caalami ah oo la dagaalanta Khilaafada Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya.

Isaga oo hadlay kahor shirka Isniinta ka furmaya Paris, Kerry waxa uu sheegay in wadammo kala duwan oo Carab ah ay ogolaadeen in ay ka qaybqaataan duqaymo xagga cirka ah oo ka dhan ah dadka Jihaad doonka ah, laakiin arrintaasi ay dhici doonta haddii wadanka Ciraaq uu raali ka noqdo oo kali ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu cambaareeyay dilka David Haines oo ahaa nin British ah oo la haystay waxa ayna ku tilmaameen dil naxariisdarro ah oo fulaynimo ah.