17 ku dhimatay doon Pakistan

Image caption Daadadka Pakistan oo saameyn badan reebay

Ugu yaraan 17 qof, oo ay ka mid yihiin nin aroos ah iyo laba caruur ah, ayaa dhintay kaddib markii ay qallibantay doon ay ku safrayeen dalka Pakistan.

Doonta ayaa siday qoys doonayay in ay aroos dhigtaan, waxaana ay ku qallibantay webiga Chenab ee mara bartamaha gobolka Punjab, kaasoo qarka jabsaday daadad awgood.

Afhayeen u hadlay waaxda samata bixinta ee gobolka Punjab, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in qoyska looga digay khatarta ku safrida doonta.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in dad ka badan 2 milyan oo qof ay saameeyeen daadadka dalkaasi ku dhuftay.

Inta la ogyahay waxaa daadadkaasi ilaa iyo hadda ku dhintay 289 qof.