Nin helay gaari laga xaday 46 sano ka hor

Baabur la xaday Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Baabuurka la xaday 46 sano ka hor ee haatan la helay

Nin ku nool magaalada Miami ee dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu dib ula wareego gaari laga xaday 46 sano ka hor.

Gaarigi ayaa ah nooca Sboortiga ah ee Jaguar.

Ivan Schneider, ayaa ahaa qareen da' yar oo ku nool magaalada New York marka laga xaday baabuurkani 1968-dii.

Gaarigan ayaa xilliga la xadayay yaallay meel dibedda ka ah guriga uu Ivan ka degganaa magaalada Newyork.

Waxaa baabuurkaasi la helay bishii lixaaad ee June ee sanadkan iyadoo baaritaan lagu sameeynayay baabuur Maraykanka laga dhoofinayey oo loo waday dalka Netherlands.