Carruur jadeeco ku dishay Soomaaliya

Jadeecada Soomaaliya Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Shan carruur ah ayaa jadeeco ugu dhintay gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan shan carruur ah oo labo sano jir ugu yar yahay ayaa tuulada Mansuur ee gobolka Shabeellaha Dhexe ugu dhintay jadeeco, sida ay BBC-da u sheegeen waalidiinta caruurtaasi.

Waxay intaasi ku dareen in daryeel caafimaad aanu ka jirin degaanka tuulada iyo agagaarkeeda.

Waalidiinta ayaa sheegay in sidaa darteed ay iskood ula tacaalaan daweynta ubadkooda.

Nuur Macallin Mukhhtar oo dhalay afar ka mid ah carruurtii jadeecada u dhimatay ayaa BBC-da u sheegay in xaaladdu ay xuntahay.

Arrintan ayaa imaanayso iyadoo hay'adaha gargaarka ay ka digayaan in abaaro ba'an ay ku soo fool leeyihiin Soomaaliya.