Wajeer oo laga billaabay waddo laami ah

wajeer
Image caption Magaalada Wajeer ayaa laga billaabay laamigii ugu horreyay abid

Magaalada Wajeer ayaa laga billaabay waddadii ugu horreysay ee laami ah tan iyo markii la aasaasay muddo ka badan 100 sano ka hor.

Guddoomiyaha laga soo doorto degaanka Wajeer Axmed Cabdullahi ayaa sheegay in tani ay billaw u tahay 25 kilomitir oo isku wareeg ah oo ay ka dhisi doonaan degaankaasi.

Image caption Dadweynaha Wajeer ayaa isugu soo baxay si ay daawadaan dhismaha waddada cusub

Axmed Cabdullahi ayaa sheegay inay muddo dheer ku qaadatay in la ansixiyo qorshahaasi, iyadoo carrada Wajeer ay jilicsan tahay isla markaana biyaha ay dhaw yihiin.

Guddoomiyaha waxaa kale oo uu sheegay inay dadaal u geli doonaan in la dhiso waddada weyn ee isku xirta Garissa, Wajeer iyo Mandera.

Image caption Guddoomiyaha laga soo doortay Wajeer Axmed Cabdullahi ayaa ka qeyb qaatay dhegex dhigga waddadaas.

Magaalada Wajeer ayaan laga dhisin wax waddo oo laami ah tan iyo markii Kenya qaadatay xornimadeeda 50 sano ka hor.

Dadweynaha Wajeer qaarkood ayaa soo dhaweeyay dhismaha waddadan, iyagoo sheegay inay wax ka baddeli doonto isu socodka magaalada dhexdeeda.