Qorshihii Obama ee Suuriya oo la ansixiyay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxwaynaha Obama ayaa u riyaaqay taageerada uu u helay qorshihiisa

Aqalka wakiilada ee dalka Maraykanka ayaa ansixiyay qorshaha Madaxwayne Obama ee ku aadan in la hubeeyo lana tababaro malayshiyaadka qunyarsocodka ah ee Suuriya.

Waxa uu soo dhaweeyay taageeridaasi oo uu ku sheegay qayb muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadiisa ku saabsan sidii looga adkaan lahaa Khilaafada Islaamika.

Maraykanku waxa ay qaadeen 174 weerar oo xagga cirka ah oo ka dhan ah Khilaafada Islaamiga ah, weeraradaasi waxa ay ka dhaceen gudaha Ciraaq tan iyo bartamihii bishii hore.

Ururkaasi jihaad doonka ahwaxa uu maamulaa dhul balaaran oo Suuriya iyo waqooyiga Ciraaq ah.