Dad argagaxisnimo loo xiray Australia

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Australia waxa ay cabsi wen ka qabtaa dhalinyarada ka soo barbar dagaalkamay daacish ee dalka ku soo laabanaya.

Bileyska dalka Australia ayaa sheegaya in ay qaadeen halwgal ballaaran oo ka dhan ah argagixisada, hawlgalkaasi oo noqonaya kii ugu weynaa ee abid laga sameeya taariikhda dalkaasi.

Tiro dad ah ayaa lagu soo qabqabtay hawlgalkaasi.

Hawlgalkani ayaa ku soo beegmayo xilli dowladda Australia ay walaac weyn ka qabto tirada muwaadiniinta dalkaasi ee ku biiraya kooxda khilaafada Islaamiga ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

In kabadan 600 oo askari ayaa arroornimadii hore ee khamiista waxa ay fuliyeen hawlgalkani.

Ciidamada ammaanka ayaa u dhacay tiro guryo ah oo ku yaala Sydney iyo Brisbane.

Hawlgalkani ayaa ku soo beegmaya wax ka yar hal usbuuc kaddib markii Australia ay sare u qaaday heerka cabsida halista argagixisada oo markiik hore ahayd mid dhex dhexaad ah.

Dowladda Australia waxa ay ka walaacsan tahay tirada muwaadiniinteeda ka barbar dagaalamaya kooxda khilaafada Islaamiga ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaasi oo marka dambe ku soo laabta gudaha dalka.

Waxaa la rumeysan yahay in qiyaastii 60 qof oo muwaadiniinta dalkaasi ah ay daacish ka barbar dagaalamayaan isla markaana ku dhawaad 100 kale ay gudaha Australia ka taageeraan kooxdaasi.