Askarta Nigeria oo jirdil lagu eedeeyay

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in booliska iyo milateriga Nigeria ay si joogta ah u jir dilaan ragga, haweenka iyo carruurta.

Warbixinta ayey hay'addu ku sheegtay in ciidammada ammaanka ay isticmaalaan habab ballaaran oo dadka lagu ciqaabo, hababkaasi oo ay ka mid tahay; garaacid, cidiyaha iyo ilkaha oo laga siibo, kufsi iyo tacaddiyo kale oo dhanka galmada ah.

Waxaa kale oo ay warbixintu sheegtay in isticmaalka jirdilku uu aad u sarreeyo deegaanada waqooyi bari ee uu ka socdo dagaalka lagula jiro kooxda Boko Xaraam.

Dowladda Nigeria ayaanan ilaa iyo hadda ka jawaabin warbixinta.