Warqad furan oo ka timid Muslimiinta UK

In ka badan boqol Muslimiinta Britain ee magaca ku leh ayaa qoray warqad furan.

Warqadda furan ayey ku sharaxeen sida aadka ah ay uga argagaxeen dilka David Haines oo Britain ahaa, waxayna ugu baaqeen kooxda dolwadda Islaamka inay sii daayaan Alan Henning, oo ah lahayste Britain ah oo gargaarka ka shaqeynayay.

Warqadda oo lagu qoray wageyska Independent ee ka soo baxa Uk ayaa ugu yeertay kuwa dilay Haines bahalo kuwaasi oo galaya dambi la cambaareeyo kii ugu xumaa.

Waxay intaa ku dartay warqadda in Hening loo hayo sharaf weyn.

Lataliye sare oo dowlada ka tirsan ee dhinaca garabka midig ee fog ayaa ka digay gowracidda la haystayaasha, rag u dhashay Pakistan ee luglahaa fadeexadii faraxumeynta carruurta ee waqooyiga England, ay horseedi karto inay baahiso dhacdooyin loogu xadgudbayo Muslimiinta guud ahaan.