Codeynta aftida Scotland oo billaabatay

codbixiyayaal Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Codbixiyayaal sugaya goobta codeynta in loo furo.

Codbixiyayaasha ayaa si deggan ugu qulqulaya goobaha codbixinta ee Scotland.

Waxayna halkaasi ku go'aansanayaan inay baaqi ku sii ahaadaan midowga boqortooyada England ama ay ka go'aan markii ugu horeysay in ka badan sadax boqol oo sano.

Su'aasha ayaa kicisay doodo daran, waxayna kala qaybisay qoysas iyo saaxiibo. Wariyaha BBC-da ayaa sheegaya in la filayo inay noqoto maalintii ugu mashquulsaneynd taariikhda doorashooyinka Scotland iyadoo sagaashan iyo todoba boqolkiiba ay isu diwaangeliyeen inay codeeyaan.

Markii ugu horeysay siyaasadda Britain ayey 16 iyo 17 jiro ay awoodayaan inay ka qeybgalaan doorashada.

Natiijada doorashada ayaa soo bixi doonta hortaan jimacaha.