Iiraan gacan ayay ka gaysan kartaa dagaalka IS

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption John Kerry

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegaya in dalka Iraan uu door muhiim ah ka qaadan karo dadaalada caalamiga ah ee ka dhanka ah dagaalyahanada ururka khilaafada islaamiga ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Inkasta oo aan Iiraan lagu casuumin in ay ku soo biirto xulafada uu Maraykanku hogaaminayo, hadana Kerry waxa uu shegay in ay gacan ka gaysan karto sidii meesha looga saari lahaa ururkaasi.

Todobaad kii hore ayuu Maraykanku uu sheegay in aysan munaasab ahayn in Iiraan ay ku soo biirto xulafadaasi, galaangalka ay Suuriya iyo meelo kale ku leedahay awgeed.

Maraykanka iyo Faransiiska labadooduba waxa ay qaaden duqaymo xagga cirka ah oo ka dhan ah ururka Khilaafada Islaamiga ah, oo maamula dhul wayn oo Ciraaq iyo Suuriya ah.