Boko Xaraam oo dad ku laysay Nigeria

Image caption Meydadka dad ku dhintay weerar ay kooxda Boko Xaraam ku qaaday magaalada Konduga ee Nigeria

Dagaalyahanada kooxda Boko Xaram, ayaa waxa ay weeerar ku qaadeen degmada Mainok, maalin cad oo dadku ay suuqa ka buuxaan.

Xabado ayey fureen kooxda halkaasina qalalaase ayaa ka dhashay.

Qof degmadaasi ku nool ayaa BBCda u sheegay, in qaar ka mid ah dad naftooda u cararayay ay dhinteen kaddib markii ay jiireen gawaari xowli ku socday oo halkaasi ka baxsanayay.

Waxa uu sheegay ninkaasi in askarta iyo dadka rayid ahba ay duurka u wada baxsadeen.

Kooxda ayaa cunto ku qaadatay gawaari ay dhaceen.

Inta badan dadweynaha waa ay baneeyeen magaalada.

Todobaadkasta kumannaan shacab ah ayaa barakaca xilli ay kooxda mayalka adag ay sii waddo colaadda ay ka waddo waqooyi bari Nigeria.

Khamiistii milateriga Nigeria ayaa sheegay, inay ka dileen kooxda Boko Xaraam 60 dagaalyahan oo uu ka mid ahaa sarkaal sare.

Hasayeeshee kooxda Boko Xaraam ayaa qabsatay dhowr magaalo iyadoo qeybo ka tirsan deegaanada waqooyi bari oo ka sii baxaya gacanta dowladda ay abuurayso dhibaato sii kordheysa oo dhanka bini’aadamnimada ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan