Kumanaan qof oo ku dibadbaxay Moscow

Lahaanshaha sawirka RIAN
Image caption Dibad bax ballaaran oo ka dhacay Moscow

Kumannaan qof oo u dhashay dalka Ruushka ayaa socod ku maray bartamaha magaalada Moscow, si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan colaadda hubka la isku adegsanayo ee dalka Ukraine.

Intii ay marayeen barmaha magaalada Moscow, ayaa dibadbaxayaashu waxa ay ku qaylinayeen erayo ay ka mid ahaayeen "Dagaal dooni mayno" iyo "Faraha kala baxa Ukraine".

Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi waxa ay si wadajir u wateen calanka Ruushka iyo midka Ukraine ee isugu jira midabada jaallaha iyo buluuga, si ay u muujiyaan midnimo.

Qaar kalana waxa ay wateen calaamado ay Ukraine ku waydiisanayaan inay iyaga cafiyaan.

Waxa uu ahaa isu soo bixii ugu weynaa ee loogaga soo horjeedo dagaalka tan iyo markii ay colaadda lix bilood ka hor ka dhex bilaabantay ciidammada Ukraine iyo fallaagada gacan saarka la leh Ruushka.

Kremlin-ka ayaa markasta diida inuu taageero fallaagada gacansaarka la leh Ruushka ee ku sugan bariga Ukraine - ama in ay milateri halkaa u dirtay si ay uga dhinac dagaalamaan kooxahaasi.

Hasayeeshee dadka dhigayay isugu soo baxa ayaanan rumeysanayn arrintaa, oo waxa ay si toos ah ugu baaqayaan madaxweyne Putin inuu soo bixiyo ciidammada Ruushka, uuna gacan ka gaysto sidii lagu soo afjari lahaa colaadda ay ku dhinteen in ka badan 3-da kun ee qof.