Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdi Qaybdiid oo ka cabanaya Puntland

Madaxweynaha Galmudug Jeneraal Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay in warqad cabasho ah ay u direen Madaxda dowladda federaalka iyo bulshada caalamka, taas oo ay kaga cabanayaan xayiraad uu sheegay in dowlad goboleedka Puntland ku soo rogtay garoon dhawaan laga furay Koofurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

Cabdi Qeybdiid, waxa uu sheegay in ay ka codsadeen dowladda in ay jawaab ka siiso xayiraadaasi muddo sadax cisho ah.

Jen. Qeybdiid ayaa sheegay hadii ay wax jawaab ah aaney helin in shacabka Galmudug ay qaadan doonaan go'aan ah in ayan aqbalin in labo garoon oo hal magaalo kuwada yaalla mid uu shaqeeyo midna uu xirnaado.

Qeybdiid waxa uu u waramay Maxamed Ibraahim Macalimuu oo weydiiyay ugu horeyn inuu sharaxo warqadda ay u direen dowladda.