Ra'iisalwasaaraha Yemen oo iscasilay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ciidamada Yemen ayaa qaarkood taageersan mucaaradka Xuuthiga.

Ra'iisal wasaaraha Yamen Maxamed Salim Basindawa, ayaa is casilay kadib markii mucaradka Shiicada ee Xuuthi ay ku soo dhow yihiin inay magaalo madaxda Sanca.

Xaalada gudaha ka jirta ayaan wali cadayn, iyadoo afhayeenka Xuuthiga uu sheegay in mucaaradka uu qabsaday dhismayaal ay ka mid yihiin telefishinka dowladda iyo dhismayaal xarun u ah dowladda.

Mucaaradka Xuuthiga ayay ahayd inay la saxiixaan dowladda heshiis ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midoobay si loo sameeyo dowlad cusub.