Hanjabaada Daacish iyo reer galbeedka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Kurdishka ee la dagaalamaya Daacish

Afhayeen u hadlay kooxda Daacish laf ahaanteeda ayaa markii ugu horreysay hadlay tan iyo markii ay Maraykanka iyo Faransiiska bilaabeen duqeynta fariisimada Daacish ee dalka Ciraaq.

Afhayeenka oo la yiraa Abu Maxamed Al-Cadnaani, waxaa uu ku hanjabay inay weerarayaan muwaadiniinta waddammada Maraykanka kula jira isbahaysiga ka dhanka ah Daacish.

Dhinaca kale, ciidamada Kurdishka ee difaacaya magaalada Kobani ee u dhow xuduudda Turkiga ayaa sheegay in kooxda Daacish ay isticmaalayaan gantaalaha meesha fog gaara ilaa toban iyo shan iyo toban kun kilometer.

Taliye ku xigeenka ciidamada Kurdishka ayaa BBC u sheegay, in shaqada ciidankiisa ay dhib noqotay, iyagoo ay qasab ku noqottay in reerkooda ay geeyaan Turkiga, kadibna ay soo laabtaan.