Turkey oo xirtay xuduudda Suuriya

Dowladda Turkey ayaa sheegtay in in kabadan boqol iyo soddon kun oo qaxooti Kurdishka Suuriyiinta ah ay soo dhaafeen xuduuda Turkey saddexdii maalmood ee ugu danbaysay, iyagoo ka soo cararaya kooxda Daacish.

Lahaanshaha sawirka reuters
Image caption Qaxootiga Suuriya ee imanaya xuduuda Turkey.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay tahay dadkii ugu badnaa ee Suuriya ka soo carara waqti aad u gaaban tan iyo intii dagaalka uu bilaabmay in ka badan saddex sanadood.

Ra'iisalwasaare ku xigeenka Turkey Numan Kurtulmus, ayaa sheegay in waddankiisa uu isku diyaarinayay in boqolaal kun oo qaxooti ay yimaadaan.

Turkey ayaa waxay la halgamaysaa in kabadan hal milyan oo qaxooti oo jooga waddankeeda, way xirtay hadda xuduuda ay la leedahay Suuriya.