Brazil oo sii daysay "kaneeco manfac leh"

Kaneeco Lahaanshaha sawirka GETTY IMAGES
Image caption Brazil ayaa kanaaco "fiican" hawada ku sii daysay.

Baarayaal ka soo jeeda dalka Brazil ayaa hawada ku sii daayay kumanaan kaneeco ah oo uu jirkooda ku jira waxyaaba looga hortagi karo cudurka Dengue Fever.

Cudurkan ayaa ka dhasha kaneecada, waxaana uu ku dilaacaa dhowr dal oo dunida ah.

Kaneecadan cusub, oo lagu tilmaamay inay tahay kaneeco "fiican" ayaa la filayaa inay ka badato kaneecada cudurka dhaliso, si loo dabargooyo cudurkaasi, oo halis weyn ku ah Brazil.

Mashruucani waxaa horkacaya xarun baaritaan oo ka jirta dalka Brazil, waxaana sidoo kale laga fuliyay dalalka Australia, Vietnam iyo Indonesia.

Brazil ayaa ah dalka laga helo tirada ugu badan ee dadka uu ku dhaca cudurkaasi Dengue Fever, iyadoo 3.2 milyan oo ruux ku dhacay shantii sano ee la soo dhaafay.