Israa'iil: Suuriya waxaan ka soo ridnay diyaarad

Mig-21 Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Israa'iil ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Suuriya.

Israa'iil ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad ay leedahay dowladda Suuriya.

Arrintan ayaa imaanayso iyadoo ay socdaan weerarrada Maraykanka ee ka dhanka ah Daacish gudaha Suuriya iyo Ciraaq.

Israa'iiliyiintu waxay sheegayaan in diyaaraddu ay soo gashay hawada Isra'iil.

Suuriya ayaa qirtay in diyaarad laga soo riday, waxanay arrintan ku tilmaantay "tallaabo cadowtinimo ah"

Dhacdadan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay ee Israa'iil ay soo riddo siyaarad ay leedahay Suuriya tan iyo sanadkii 1989-kii.

Dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad ee Suuriya ayaa dagaal kula jirta mucaaradka hubaysan ee ka soo horjeeda.