Nigeria oo baareysa gabdho la sii daayay

Image caption Boko Haram ayaa Nigeria ka afduubatay gabdho ardey ah

Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada difaaca ee Nigeria, Chris Olukolade, waxaa la sii daayay qaar ka mid ah gabdho aan la xaqiijin waxa ay yihiin oo la sheegayo in afduub loo haystay.

Afhayeenka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in qaar ka mid ah gabdhahaasi haddana lagu hayo xarun boolis.

Olukolade ma uusan bixinin sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan tirada la siidaayay iyo sida lagu sii daayay, wuxuuna tilmaamay inay faafaahinta dib ka soo sheegi doonaan.

Waxa uu hadda xaqiijin karo oo keli ah waxay tahay in qaar ka mid ah gabdhahaasi ay xurriyadooda dib u heleen.

Kooxda Boko Haram ayaa dalka Nigeria ka afduubatay gabdho badan, iyadoo dowladda ay kula dagaallameyso dhanka woqooyi bari.

Gabdhaha ay afduubteen Boko Haram waxaa ka mid ahaa kuwa ay ka kexeysteen Iskuul ku yaalla magaalada Chibok.