Duqeynta USA ee Daacish oo gaartay Suuriya

Duqeyn cirka ah oo uu maraykanka ka geystay Ciraaq Lahaanshaha sawirka AP

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa markii ugu horraysay bilaabay in ay cirka ka duqeeyaan dagaalyahanada Dowladda Islaamiga ee ku sugan gudaha dalka Suuriya, sidaasi waxa sheegay Pentangon-ka

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo la yiraahdo Adm John Kirby, ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka, kuwa wax duqeeya iyo madaafiicda loo yaqaano Tomahawk.

Duqeynta waxa ay ahayd mid la filayey kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, uu laba todobaad ka hor ballanqaaday in uu burburin doono, hoosna u dhigi doono khatarta kooxdan oo dhul ballaaran kala wareegtay Suuriya iyo Ciraaq.

BBC-da ayaa waxa ay ogaatay in dowladaha Carabta ay ka mid yihiin wadammada ka qeyb qaadanaya duqeyntan laga geysanayo Suuriya, balse weli ma kala cada wadammada ay yihiin iyo doorkooda waxa uu yahay.

Mareykanka ayaa Ciraaq gudaheeda waxa uu kooxdan u geystay ilaa 190 duqeyn tan iyo bishii Agoosto.