Wariye afduub ku maqnaa oo la sii daayay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption burbac badeed

Sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug ee Puntland, weriye ajnabi ahaa oo ku dhawaad saddex sano Soomaaliya afduub loogu haystay ayaa maanta la siidaayay.

Weriyaha ayaa la sheegayaa inuu u dhashay dalka Mareykanka.

Lama xaqiijin in madax furasho lagu sii daayay iyo in kale.

Michael Scott ayaa 2012-kii laga afduubtay meel u dhow garoonka Gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen maamulka.

Axmed Muuse Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka Mudug ee maamulka Puntland ayaa ka soo qaaday dadkii sii daayay, geeyayna garoonka sida uu u sheeegay BBC