Nin Faransiis ah oo Kurka laga jaray

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hervé Gourdel waxa uu ahaa nin haga dalxiisayaasha booqda buuraha

Ururka jihaad doon ka ah ee Al-Jeria ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya dalxiise Faransiis ah oo ay haysteen oo ay madaxa ka jareen.

Ururkaasi oo lagu magacaabo Jund al-Khilifa oo lala xiriiriyo ururka Khilaafada Islaamka ayaa afduubtay Hervé Gourdel axadii isaga oo lugaynaya gobolka Kabylie ee ku yaala bariga Aljeria.

Malayshiyadaasi waxa ay dalbadeen in Faransiisku uu joojiyo duqaymaha uu ku hayo Khilaafada Islaamka ee Ciraaq.

Faransiisku waxa ay sheegeen in aysan aqbalaynin wax handadaad ah, islamarkaasna ay sii wadi doonaan weerarada ka dhan ka ah malayshiyada.

Gourdel oo ah ninka madaxa laga jaray waxa uu ahaa konton iyo shan jir.