Maxay Carabta ugu biireen duqeynta Suuriya?

Lahaanshaha sawirka Getty

Madaxweyne Obama ayaa ku guulaystay in uu dhiso xulafo wax ku ool ah oo ay ku jiraan dalal carab ah, si uu uga hortago dadka qaba fikirka ah in dagaalkan looga soo horjeedo dagaalyahanada isugu yeeray Dowladda Islaamiga uu yahay in mid uu kali ku yahay Mareykanka.

Ma jirin xulafo noocan ah tan iyo wixii ka dambeeyay weerrarkii lagu qaaday Sadaam Xuseen 1991-dii, waxayna muujinaysaa cabsida laga qabo kooxdan oo dhul ballaaran ka qabsatay Ciraaq iyo Suuriya.

Marka waxaa la iswaydiin karaa inta ay gaarsiisan tahay doorka shantan waddan.

Afar ka mid ah ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay ku deeqeen diyaaradaha dagaalka, afartaasi waxa ay kala yihiin, Sacuudi Carabiya, Urdun, Isutaga Imaaraadka iyo Baxrayn.

Dhamaantood waxay dareemayaan in kooxdan ay khatar ku hayso, oo waxa ay ka baqayaan in si toos ah ay u soo weerarto ama ay dhulkooda ka geysato weerraro argigixisa ah.

Dowrka dalka Qadar ayaa loo arkaa mid u badan taageero.

Qadar iyo Sacuudi Carabiya, waxa loo arkaa ka qeyb qaadshadooda dagaalka mid ka turjumaya isbadel dhinaca siyaasadooda ah.

Inkastoo Qadar ay iska fogeysay eedeynta loo soo jeediyay ee ah in ay horay dhaqaale ugu taageertay kooxda Daacish, haddana waxaa la rumaysan yahay in maalqabeeno ka soo jeeda dalkaasi ay lacago ugu deeqeen kooxda.

Sacuudi Carabiya ayaa waxay dhaqaalo ugu deeqi jirtay kooxaha xagjirka ah ee ku kacsan maamulka Bashar al-Assad, haatanse boqor Cabdalla iyo qoyskiisa ka taliya Sacuudiga ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in dad jihaad doon ah ay ka dhax kacaan Sacuudiga kuwaas oo dhiiri gelin ka hela kooxda Daacish oo isku daya in ay afgambiyaan boqortooyada.

Marka la isu geegeeyo cadaadiskan ayaa waxaa ka dhashay in xulafo loo helo dagaalka lagu wado kooxda Daacish ee Suuriya, iyadoo aanay jirin waddan kale oo reer galbeed ah oo ku lug leh arrintan marka laga reebo Mareykanka.