ICC oo baaraysa dambiyo ka dhacay C.A.R

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dad sugaya in la siiyo raashiin gargaar ah dalkaasi C.A.R.

Labada dhinacba baaritaan ayaa ku socda.Kooxda Seleka iyo kooxda kale ee la yiraahdo anti-balaka waxaa labaduba lagu eedaynayaa in ay gaysteen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Dambiyadaasi waxaa ka mid ah dil, kufsi iyo weerraro lagula kacay howlaha gargaarka.

Dagaalada ka socda dalkaasi ayaa waxay bilawdeen kaddib markii fallaagada muslimka ah ee Seleka ay xoog kula wareegeen awoodda dalkaasi oo ay kala wareegeen masiixiyiinta tirada badan.

Labada kooxba waxaa lagu eedaynayaa in ay bartilmaameedsadeen shacabka iyo carruur ka yar 15 sanno, kuwaasi oo ay ku qasbeen in ay ka qeyb qaataan dagaalada.

Waxaa la rumaysan yahay in dad tiradooda ay kor u dhafeyso 5 kun oo qof ay ku dhinteen dalkaasi Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika sanadkan oo keliya.

Dacwad oogaha ICC, Fatou Bensouda, ayaa waxa ay wacad ku martay in ay cadaaladda la tiigsan doonto dadka geystay xadgudubyada.

Waxay sheegtay in dambiyada laga galay shacabka dalkaasi ay yihiin kuwo aanan la soo koobi karin.

Bishan aynu ku jirno, Qaramada Midoobay ayaa la wareegtay hawlgalka nabad ilaalinta, si loo soo afjaro colaadda, mana jirto ilaa iyo haatan cid loo qabtay ama maxkamad loo soo taagay dhibaatada dalkaasi ka dhacday.