In ka badan 3,000 oo Ebola u dhimatay

Image caption Qof cudurka Ebola qabo oo xarun caafimaad loo wado.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, ayaa sheegtay in dad ka badan saddex kun oo qof ilaa hadda la ogsoon yahay in ay u dhinteen cudurka Ebola ee ka dilaacay qaar ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika.

Dad tiradooda lagu sheegay lix kun iyo shan boqol oo qof oo ku nool shan dal oo ku yaalla Galbeedka Afrika ayuu ku dhacay cudurkan dilaaga ah.

Dalka Liberia ayaa ah kan uu ugu saameynta badan yahay cudurka, waxaana hay'adda WHO ay sheegtay in dad ka badan 150 qof ay Liberia Ebola ugu dhinteen laba maalmood gudahood.

Tirada dadka cudurka u dhimanaya ayaa laga cabsi qabaa in ay sare u kacdo.

Hay'adda lacagta adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa ku yaboohday lacag dhan 130 milyan oo dollar si ay dalalka Liberia, Guinea iyo Sierra Leone cudurkan wax uga qabtaan.