US: Waa muhiim ciidammo ka dhan ah IS

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Taliyaha ugu sareeya ciidammada Mareykanka,Jeneraal Martin Dempsey

Taliyaha ugu sareeya ciidammada Mareykanka, ayaa sheegay in weerarada cirka ah ee ka dhanka ah kooxda Daacish, ay wiiqeen awoodda wadaxiriirka dagaalyahannada iyo saadkooda.

Jenaraal Martin Dempsey ayaa weriyayaasha u sheegay in ay muhiim tahay sameynta ciidan lugta ah, oo ka kooban jabhadaha ka dagaallamaya Suuriya si looga adkaado kooxda Daacish ee gudaha Suuriya, balse waxa uu sheegay in taasi ay u baahantahay waqti iyo dulqaad.

Jeneraal Martin Dempsey oo warbaahinta kula hadlayay waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegay in duqeymihii cirka ee maalmahan lagu hayay xooggaga Daacish ay waxtar ahaayeen.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa laba waddan oo Carab ah ayaa garaacay warshad shidaalka lagu sifeeyo, oo la sheegay in ay il dhaqaale oo muhiim ah u tahay xooggaa Daacish.

Balse Jenaraalka ayaa rumeysan in duqeymaha cirka oo keliya aanay waxbadan ka tari karin xooggaga Daacish.

Horraantii bishan, Jenaraal Dempsey ayaa ka hor sheegay guddi ka tirsan Senate-ka Mareykanka in lama huraan ay tahay in ciidammo lugta ah lagula dagaallamo Daacish.

Balse hadda waxa uu tilmaamay in ciidammadaasi aanay qasab ahayn in ay Mareykan noqdaan.

Jenaraalka ayaa ku talinaya in la sameeyo jabhado ka kooban Ciraaqiyiin, Kurdiyiin, iyo Suuriyaan si loogu jabiyo Daacish.

Waxa uu intaa ku daray in gudaha Suuriya looga baahan yahay ciidan lugta ah oo ay tiradoodu u dhexeyso 12 ilaa 15 kun oo dagaalyahan.

Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ansixiyay qorshe lagu tababarayo oo lagu hubeynayo kudhowaad 5 kun oo ah dagaalyahannada mucaaradka aan mayalka adkeyn ee Suuriya.