Ashraf Ghani oo maanta la dhaartinayo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kerry,Ghani,Abdullah

Dowladda cusub ee dalka Afghanistan ayaa maanta xafiiska lagu wareejinayaa, ku dhawaad lix bilood kaddib markii dalkaasi laga bilaabay hanaankii doorashada, iyadoo Ashraf Ghani, loo dhaarinayo jagada madaxweynenimada.

Waxa uu badalyaa Hamid Karzai, oo dalkaasi ka talinayey tan iyo sanadkii 2002-dii.

Madaxweyne Ghani, ayaa waxa uu hoggaaminayaa dowlad midnimo qaran oo uu qeyb ka yahay ninka ay sida aadka ah u tartameen Abdullah Abdullah.

Waa markii ugu horeysay oo dalkaasi si nabdoon uu uga dhaco isbedel siyaasadeed, muddo ka badan qarni.

Axadii shalay ahayd ayaa qarax bam waxa ku dhaawacmay askari ka agdhawaa madaxtooyada dalkaasi, caasimadana waxa ay heegan ugu jirtaa dhaarinta madaxweynaha cusub.

Madaxweyne Ghani, ayaa shaqadiisa ugu horeysa waxa ay ahaan doontaa in uu u magacaabo Abdullah Abdullah, oo ah ninkii uu loolanka kala dhaxeeyey doorashadii dhacday, oo ay hadda bahwadaag ku noqonayaan dowladdan, jaga cusub oo ah madaxa guddiga fulinta.

Sidoo kalana, waxa uu shir gudoomin doonaa kulamada caadiga ah ee gollaha wasiirada, Dr Abdullah ayaa waxa uu soo magacaabi doonaa kala bar xilalka ugu sareeya shaqooyinka dowladda, walow uu go’aanka ugu danbeeyo leeyahay madaxweynaha.

Isbaheysigan ayaa waxaa sameyntiisa gacan ka geystay xog-hayaha arrimaha dibada ee Mareykanka John Kerry, si uusan dhiig ugu daadan natiijadii doorashadii lagu murmay.

Dib u dhacan ayaa waxa uu cuuryaamiyay dhaqaalaha dalkaasi, isagoo sidoo kalana faarujiyay khasnada dowladda, waxa uuna dhiira geliyey kooxda Taliban, kuwaas oo sii kordhiyey weeraradooda tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2001-dii

Madaxweyne Ghani ayaa waxaa horyaalo shaqa adag.