Ghani oo loo dhariyay madaxweynaha Afghanistan

Ashraf Ghani Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ashraf Ghani ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha Afghanistan

Ashraf Ghani ayaa loo dhaariyey in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Afghanistan, kaddib bilooyin muran xooggan uu ka taagnaa cidda ku guulaysatay doorashadii la qabtay.

Waxa uu baddalayaa Xaamid Karzai, oo hoggaaminayey dalkaasi 12 sano.

Madaxweyne Ghani waxa uu hoggaamin doonaa xukuumad loo wada dhanyahay, oo uu kala qeyb qaadanayo ninka ay sida xooggan ugu murmeen natiijada doorashada ee Cabdalla Cabdalla.

Mar uu ka hadlayey xafladii caleema saarka ayaa Mr Cabdalla waxa uu sheegay in labaduba ay haatan yihiin hal koox oo ay doonayaan in ay isla shaqeyaan.

Weriyaha BBC-da ee Kabul ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimi in la sameeyo dowladda cusub ay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha, isla markaasina ay dhiiriggelin u noqotay Ururka Talibaan oo haatan fulinaya weeraradii ugu cuslaa ee ay qaadaan tan iyo markii xukunka laga tuuray 2001-dii.

Madaxweynaha Cusub Ashraf Ghani ayaa sheegay in loo baahanyahay in la sameeyo isbaddel wax ku ool si loo xaqiijiyo in Afghanistaan laga hirgeliyo nabad waarta.

Waxa uuna tilmaamay in isbaddel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi, ay tahay arrin muhiim ah.