Malema oo maxkamad la soo taagayo

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Julius Malema, hoggaamiyaha xisbiga Economic Freedom Fighters

Siyaasiga mucaaradka ah ee waddanka Koonfur Afrika, Julius Malema, ayaa la filayaa in maanta ay bilaabato maxkamadeyntiisa ku aaddan musuq maasuqa.

Malema ayaa ahaa hoggaamiyihii ururka dhalinyarada xisbiga ANC, waxaa lagu eedeeyay inuu geystay isdaba marin dhaqaale, iyo ka faa’iideysi ganacsi aan xalaal ahayn.

Xubnaha ka tirsan xisbiga Mr Malema, ee Economic Freedom Fighters, ayaa taageero u muujiyay hoggaamiyahooda, iyaga oo xalay oo dhan ku sugnaa bannaanka maxkamada.

Julius Malema, ayaa lagu eedeeyay in uu ku qaatay lacago ka badan 390, 000 oo doolar, arrima la xiriira musuq oo ay ka mid yihiin heshiisyo dhanka dowladda ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay Mr Malema iyo ninka kale ee lala eedeeyay in ay been sheegeen, si ay u qaataan qandaraasyo dowladda ay leedahay oo gaaraya lacaga dhan maalaayiin doolar.

Mr Malema ayaa diiday eedahaasi, isaga oo sheegay in ay yihiin kuwo aanan laheyn sal iyo raad, balse la siyaasadeeyay.

Waxaa la filayaa in uu maxkamada horteeda ka diido eedahaasi.

Booliska ayaa ka digay in ammaanka maxakamada la adkeyn doono.

Siyaasigan ayaa laga eryay xisbiga ANC sanadkii 2012-kii, markaas oo lagu eedeeyay in uu abuurayay kala qeybsanaan xisbiga dhexdiisa ah.