Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka wadahadalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweyne loogu magac daray "Wadahadalku waa hab dhaqan nololeed" waxaana looga hadli doonaa arrimaha dastuurka, federaalka, dib u heshiisiinta iyo xisbiyada siyaasadda.

Shirka waxaa ka qayb galaya khubaro isaga kala timid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa waxaana soo qabanqaabiyay wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare iyo hay'adda carbeed ee barbaarinta, hiddaha iyo cilmiga ee ALECSO.

Waxaa furay ra'isul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed.

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, oo ka qayb galay furitaanka shirkaasi ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.