Ghani oo heshiis dhanka ammaanka ah la galay USA

Xaamid Karzai
Image caption Xaamid Karzai ayaa horey u diiday inuu saxiixo heshiiska ammaanka ee Maraykanka

Madaxweynaha cusub ee Afghanistan ayaa heshiis dhanka ammaanka, oo uu diiday ninkii ka horreeyey, la saxiixday Maraykanka.

Arrintan ayaa imaanayso maalin kaddib markii uu awooda uu ka la wareegay Xaamid Karzai.

Xiriirka labada waddan ayaa sii xumaanayey tan iyo markii uu diiday madaxweynihii hore ee Xamid Karzai in uu saxiixo heshiskaasi.

Heshiiska ayaa waxa uu oggolaanayaa in ku dhowaad 10,000 oo ciidanka Maraykanka ah ay ku haraan dalka Afghanistan marka uu dhamaado sanadkan 2014, oo lagu wado in ciidanka Mareykanka laga soo saaro dalkaas.