Hong Kong oo weli dibedbaxyo ka socdaan

Lahaanshaha sawirka Getty

Kumanaan kun oo qof oo dibedbax dhigaya ayaa weli ku sugan faras magaalaha Hong Kong, inkastoo Madaxa hay'dda fulinta ee Hong Kong C.Y Leung uu jeediyey baaq cusub oo ku doonayo in la soo afjaro dibed baxa.

Televishenka ayaa waxa uu ka sheegay in Shiinaha aanu ka tanaasuli doonin sharciga awood u siinaya Shiinaha in uu ansixiyo cidda hoggaanka u qabanayso Hong Kong doorashada xigta ee la qaban doono 2017.

Dibedbaxayaasha ayaa haatan dalbanayaan in uu xilka baneeyo Mr Leung oo ay u arkayaan in uu yahay shaqsi u adeegaya danaha Shiinaha.o