Raila Odinga oo cafiyay ninkii garaacay

Raila Odinga
Image caption Waa markii ugu horreysay oo Raila Odinga lagu karbaasho goob fagaaro ah

Waxaa la filayaa in xabsiga laga sii daayo Lengo Mudzomba, oo ah ninkii meel fagaaro ah ku garaacay hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, kaddib markii la cafiyay.

Raila ayaa sheegay in uusan wax dacwo ah u qabin ninka bakooradda ku garaacay mar uu ka qeybgalayey ol'ole siyaasadeed.

Ninka odayga ah ayaa ka soo dhexbaxay dadkii fagaaraha ku sugnaa oo ul la dhacay Raila Odinga.

Laba jeer ayuu la haleelay usha ka hor inta aanay xakamayn ilaalada Raila Odinga.

Ninkaasi odayga ah ayaa isla markiiba la sii daayay isagoo loo maleeyay inuu qabo cudurka dhimirka, balse gadaal dambe ayaa laga soo xiray