Puntland: Galgala ayaan qabsanay

Shabaab
Image caption Puntland ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku qaadday buuralayda Galgala

Mas'uuliyiinta Puntland ayaa sheegay inay qabsadeen buuralayda Galgala ee Al-Shabaab ay haysteen muddo dhowr sano ah.

Buuraleyda Galgala ayaa la sheegayaa inay ahayd xarunta kaliye ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad oo BBC la hadlay ayaa sheegay inay qasaare xoog leh u gaysteen dagaalyahanka Al-Shabaab "oo aysan sidaa uga hari doonin".

Ilo ku dhaw Al-Shabaab ayaa sheegaya in qasaare xoog leh ay gaarsiiyeen ciidammada Puntland ee weerarka ku soo qaaday.

Dagaalkan Galgala wuxuu ku soo beegmay iyadoo cidammada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku sii durkayaan magaalada Baraawe ee xarunta Al-Shabaab.

Baraawe ayaa ah magaaladii u dambeysay ee xeebaha koofurta Soomaaliya ee weli ku harsan gacanta ururka Al-Shabaab.