Shabaab oo ka baxay Baraawe

Shabaab
Image caption Dagaalyahanka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka baxeen magaalada Baraawe.

Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay ka baxeen magaalada xeebta ee Baraawe, iyadoo ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda aysan weli gelin.

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC u sheegay in Al-Shabaab ay sidoo kale qalabkoodii kala baxeen halkaas.

Ciidammada AMISOM ayaa maalin ka hor qabsaday magaalada Cadale, oo 60km u jirta Baraawe.

Haatan waxaa la sheegayaa inay 20km u jiraan Baraawe.

Ururka Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, balse waxay weli ka taliyaan dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalkaasi.