Dhinacyada Hong Kong oo wadahadal aqbalay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka isu soo baxay waxay dalbanayaan in doorasho rasmi laga qabto.

Hogaamiyaha ardeyda Hong Kong waxa uu aqbalay inuu la kulmo dowladda si loogala hadlo dalabkooda, kaddib shan maalin oo isu soo baxyo dimuquraadiyadeed ah.

Duqa magaalada Hong Kong, C Y Leung, waxa uu kol hore diiday inuu is casilo, iyadoo dibad baxayaashu ay ka dalbanayaan inuu xilka ka dego.

Dadka wax inadha indheeya ayaa sheegaya inaysan fileyn inuu is casilo hogaamiyaha Hong Kong.

Britain oo dhankeeda walaac ka muujisay xaaladaha ka taagan Hong Kong, ayaa sidoo kale soo dhaweysay wadahadallada la filayo inay wada yeeshaan maamulka iyo hogaamiyayaasha ardeyda.

Madaxa hay’adda caalamiga ah ee Lacagta ee IMF, Christine Lagarde, ayaa iyaduna sheegtay, dibadbaxyada dhowaanahan ka socday magaalada Hong Kong inay yeelan karaan saameyn dhaqaale oo aan la fileyn.

Ms Lagarde ayaa tilmaantay in IMF ay si dhaw ula socoto xaaladda Hong Kong.