Haweeney Somali ah oo abaal marin heshay

Image caption Safiya Cabdi ayaa dagaal kula jirto gudniinka fircooniga.

Safiya Cabdi Xaase oo Soomaali ah, ayaa noqtay qofkii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo lagu abaal mariyo doorkiisa howled, gudaha Norwey.

Waxaa la siiyay abaalmarinta St. Olav, taas oo ay ku muteysatay shaqadeeda iyo ololeheeda ka dhanka ah gudniinka fircooniga ah.

Safiya Cabdi Xaase, ayaa heshay billadda mudnaanta ee boqortooyada ay bixiso taas oo lagu gudoonsiiyay gurriga boqortooyada ee Oslo.

Safiya ayaa ololahan bilawday kaddib markii iyada nafteeda ay la kulantay xadgudubyo iyo xittaa dhibaatada Gudniinka Fircooniga ah.

Waxay Soomaaliya ka qaxday 1992, oo ay gaartay dalkan Norway xilligaas oo ay la socdeen seddax gabar oo ay dhashay.

Waxay BBC u sheegtay in ololeheedan oo ka imaaday si toos ah waxa iyadu ay khibradda u leedahay.

Markii ay Soomaaliya ku nooleyd, maysan lahayn cilmi. Balse gudaha Norwey, waxay wax barashada ka bilowday dugsiyada hoose dhexe iyo sare, kaddibna waxay qaadatay shahaado jaamacadeed oo kalkaaliye caafimaad ah.