Baraawe oo dowladda ay qabsadatay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhowaanahan Soomaaliya waxaa ka socday howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Barawe oo ah meshii ugu dambeysay ee ay ugu xoogga badnaayeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay dhaqaale ka heli jireen magaalada Barawe, oo ay gacanta ku haysay lixdii sano ee ugu dambeysay.

Ciidamada Dowladda oo taageero ka helaya AMISOM ayaa dhowr maalin dul fadhiyay magaaladaasi, oo Al-shabaab ay beneeyeen dhowr maalin ka hor.

Shalay galab dagaal ayaa ka dhacay meel ku dhow Baraawe, sida wararku sheegayaan laakiin ciidamada ayaa saaka gudaha u galay.

Gudoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose, ayaa BBC u xaqiijiyay qabsashada magaalada Barawe, wuxuuna sheegay inuu asiga ku sugan yahay bartamaha Barawe.