Aabe IS ka codsaday siideynta wiilkiisa

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Peter Kassig ayaa laga qafaashay gudaha Suuriya, sanad ka hor.

Dhammaadka fiidiyowga, shalay ay beehiyeen khilaafada Islaamka ee muujinayay dilka Alan Henning oo u dhashay Britain, waxay ku caga-jugleysay kooxda inay dili doonaan nin kaloo reer galbeed ah, kaas oo ay ku sheegeen in lagu magacaabo Peter Kassig, oo u dhashay Mareykanka.

Aabaha dhalay ninkaasi, Ed Kissig, waxa uu dowladda Islaamka ka codsaday inay wiilkiisa u naxariistaan oo ay siidaayaan.

Britain ayaa ku dhawaaqday in dilka Alan Henning ee dowladda Islaamka inuu ahaa ficil laga argagoxo oo dareen la’aan ah.

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in dowladdiisa ay adeegsan doonto wixii karaankeeda ah si loo helo dilaayaasha Mr Henning.

Maalintii Jimcaha ee Shalay, IS waxa ay baahisay fiidiyow muujinayay dilka Alan Henning oo madaxa laga jarayo, waxaana fulinayay nin wejiga duubtay oo luqaddadiisana ay ahayd British.